Dunida aan ku nool nahay waxa ka socda ninkii xoog leh beey xaajo u toostaa Ruushka ayadoo loo wada jeedo ayuu yukreen dhulka ku daray dharar cad sahnuuniyada waxeey xasuuq iyo isir sifeeyn ka wadaa dhulka falastiin sanado badan cid ka hadashay ne ma jirto mareykanka wuxuu bur buriyay wadamo badan cid ka hadashay ne ma jirto ayado intaas aan wada ognahay maxa xiga
Dowlada xabashida waxeey dhisatay ciidanka bada oo kumanaan gaaraya kuwaasoo ku qalabeysan agabka ciidanka
Ee kala duwan xabashida oo aan ognahay in aaysan bad laheen ayaa dhisatay ciidanka bada meshaas su aal weeyn baa saaran cida loo dhistay ne waa soomalia
Madax-weeynaha xabashida wuxuu dhowr mar meel fagaaro ah ka sheegay in aay u Baahan yihiin bad haku helaan si maal gashi ah ama si xoog ah ujeedkiisa waa in aay helaan bad wuxuu sheegay in aan la Qaadan karin dad kor u dhaafaya 120 Milyan oo bad la aan ah mar beey riyo qarsan u aheed xabashida balse maanatay
Fagaaraha ayeey la taagan yihiin maxaa xigi doono
Abii ahmed wuxuu cagta mariyay tigree wuxuu dhabarka u jeediyay mareykanka
Dharar cad ayuu buuxiyay biyo xireenka
Xabashida dowladaha masar iyo Sudan ayagoo indhaha ka daawanaya abii ahmed fikirkiisa waa mid cad oo aan ganbasha lahen
Maalin waxaa imaan doonto aay ka dhabeeyn doonaan xabashida riyadoodii aheed in aay bad helaan kana dhex helaan
Somalia cid ka celin kartane ma jirto malintaas aduunkane siduu u daawanaayo falastiin iyo yukreen ayeey noo daawan doonan carabtane warqadihii cambaareynta ayeey soo saari doonan baaqyaha nabada wax ma badali doonan waxaana dhulka somaliyed laga taagi doonaa calanka xabashida
Dadka Somaaliyed markas ayeey so baraarugi doonan waa gor aay xeero iyo fandhaal kala dhaceen hadii qabyaaladu sii socoto
Wadankeena waxaa loogu yeeri doona x somaalia xabashido ma rabto in uu dhuka somaliyed nabad noqdo maabka somaaliya waxaa ka maqan dhul somaliyed oo xabashida loogu daray wax waliba wey soo socdan balse uma jeedi cid isku diyaarineyso waxa so socda
Gormaa qabyaalada dhigi doona oo Qaraninmo u jiheysan doonaa
2023
Comments
Post a Comment