Hamza Abdi Barre qudbadisii shalay uu ka jeediyay tiyaatarka qaranka taas oo uga hadlay Xamaas ineey tahay urur islaami ah oo u taagan Xureenta dalkooda cadawga kusoo duulayne aay ka xoreeyn doonaan dhulkooda wuxuuna sheegay in xamaas aysan aheeyn urur argagixiso
Si cad oo geesinimo leh ayuu ugu hadlay muddane xamse cabdi bare
Wuxuu yiri wan kala duwanahay dhinaca fiqiga Laakiin hal u jeeda ayaan leenahay oo ah in aan ka xoreeyno qudus saliibiyiinta sidoo kale muddane xamse ayaa yiri wax waliba ha dhahaan
Ma dhageysaneyno dhuunta hadii la rabo hanagala jaro yeeli meyno xamaas waa mujaahidiin ayuu yiri waana sida cad xamaas waa mujaahidiin xaq u dirir ah
Hadalkaan ayaa qabsaday warbaahinada Carabta iyo kuwa caalamka waxa uuna noqday masuulkii 2aad oo si cad u cadeeyay mowqifkiisa kaga aadan falastiin Suldadii carbeed ee afka daboolatay ayuu dhiig cusub ku shubayaa hadalka ka soo yeeray reysul wasaaraha dalka muddane xamse cabdi bare
Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Tayyip Erdoğan ayaa si kulul uga hadlay qadiyada reer falastiin oo muslimiin badan iyo kuwa aan Muslim aheen taabatay xasuuqa lagu haayo iyo gumeesiga dulsaaran walaalahen ku nool Gaza
Erdoğan ayaa si toosa u yiri " Xamaas maahin argagixiso ee wa rag difaacanaya dhulkooda iyo dadkooda gumeestaha yahuudda ee ku soo duulay madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay goob faagaara ah oo ay isugu yimaadeen in ka badan 1Milyan oo qof caasimada Istanbul ee dalka turkiye
Sahnuuniyada ayaa hadalka Madaxweynaha turkiga ka carootay iyadoo u yeeratay safiirada ka jooga Ankara si wax looga weydiiyo hadalka carada leh ee Erdoğan jeediyay
Madaxda caalamka ayaa ku baaqeeysa in xabada laga joojiyo falastiiniyiinta dadkii la xasuuqay ne la iskula xisaabtamo oo sahnuuniyada lagu ciqaabo xasuuqa aay geesatay madaxda carabta ayaa ku eg kaliya canbaareeyn iyo hadal jilacsan oo warbaahinta lasoo mariyo kaasoo waxba soo kordhin sanada badan
Comments
Post a Comment