Siyaasiyiinta somalida

 


Markaan eegno sideey wax u socdaan dunida maanata oo ah hadii aan kaa xoog weeynahay cid iga kaa celin karto ma jirto
Siyaasiyiinta somalida hamigooda wuxuu ku egaaday waxaan rabaa korsi mucaarad iyo muxaafid korsigaas oo waxba ka badaleen dalka iyo dadkaba


Markii cadowgu arkay in aragtidooda gaaban tahay korsigii ayuu malab u sii mariyay si looga jeediyo wadanka oo caqligooda lagu ekeeyo korsi oo kaliya
Siyaasi waliba dowlad gaar ah ayaa wadata ma fahmin siyaasi dowlad wadato sidee ayuu dowlad kale u hagi karaa waa su,aasha aan is weeydiiyo mar waliba

Hal siyaasi oo dhisay ma jiro wax bulshada wax u taraayo muhiimada uu u yimid bulshaba ma ahan waa dano gaar ah iyo dowlado gaar ah waan la yaabaa sababta aay iskugu mid ka yihiin damiir xumada iyo
Tala la aanta waana siyaasiyiinta ugu liita aduunka siyaasiyiinteena fakarkooda waa jago un iyo xil

Cabdullahi yuusuf AUN kasoo bilaaw ilaa hada uu xilka haayo Xasan Sheikh maxamuud waxba iskama badalin wadanka dhanka siyaasada iyo dhanka bulashada ma jiro siyaasi ka duwan kuwa kale mid waliba oo ayaga ka mid ah damaciisa wuu yar yahay mana foga dhamaantood dhaqankas ayeey iskaga mid yihiin

Siyaasiyiinta dunida markey xil qabtaan waxeey soo kordhiyaan wax yaabo dalka iyo dadka u dan ah kuwaasoo lagu jeclaado dadkane aay ku xasuustaan kuwa dalkeena markey xil qabtaan waxey bilaaban taas cagsigeeda oo ah maxaan qaataaa halka aay wax soo kordhin lahaayeen ayagii ayaa wax duminaayo waana sababta aan heer u gaari la nahay

Ugu danbeyn waxaan rajeynaa in uu alle dalkaan u dhiibi siyaasi aan dano gaar ah laheen oo dowlad gaar ah ku xirneen mid Dalka iyo dadka u daneeno oo jacel in uu bulshadiisa heer gaarsiiyo 

Comments